Muqdisho – Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Saalax Al-Muwallad.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo amniga Badda Cas.
Kulanka ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay labada dhinac siinayaan xoojinta xiriirkooda iyo horumarinta iskaashi ku saleysan danaha labada dal.




