Wasiir Fiqi oo kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Muritaaniya + Sawirro

0

BANJUL (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Macallin Fiqi ayaa Khamiista kulan doceed la yeeshay dhiggisa dalka Muritaaniya intii lagu guda-jiray kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda oo ay uga gogol-xaarayeen Meertada shir madaxeedka 15aad ee Islaamka oo ay martigelinaysay Caasimadda dalka  Gambia ee Banjul.

 

Sidoo kale Intii u socday kulanka ay yeesheen labada dhinac ee Soomaaliya iyo Muritaaniya ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,dhanka kale waxaa ay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo caalamka.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah wafdiga ka socday dhanka Soomaaliya oo uu ku jiro Dr.Cabdulqaadir Macallin Nuur (Khaliif),Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamka,Xildhibaan Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadam oo ah musharraxa Soomaaliya ee xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika,Badda cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dalka Muritaaniya ayaa waxaa ka socday Safiirka u xil-saarran howsha diiwaanka Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Muritaaniya, Hosni Al-Faqih iyo Agaasimaha Arrimaha Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Muritaaniya, Sayed Ahmed Mohamed Al-Salik.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here