Wasiir Fiqi oo sheegay in la wiiqay Al Shabaab

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in awooda kooxda Al-Shabaab si weyn loo wiiqay kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay fuliyeen hawlgallo militari oo aan kala joogsi la heyn muddo labo sanno.

 

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in sidoo kale la qaaday tallaabooyin istaraatijiyadeed oo lagu xannibayo shabakado dhaqaale, iyadoona lala diriray xagjirka ah ee Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayuu Wasiirka ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda, taasoo lagu taageerayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu muujiyay sida Wasaaraddiisu uga go’an tahay taageerada ciidanka, isagoo ku deeqay hal baabuur oo xamuul ah oo sida raashin, si uu u muujiyo midnimo iyo garab istaag.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in aysan suurtagal ahayn in Al Shabaab ay dalka la wareegaan, isagoo bogaadiyay geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee diidan fikirka Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka in ay garab istaagaan ciidanka qaranka, isagoona Alle uga baryay in uu Janadda ka waraabiyo askartii ku dhimatay la dagaalanka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here