Muqdisho, Soomaaliya — Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay, isla markaana kulan sagootin ah la qaatay Danjire Maxamed Bamba M. Boba, Agaasimaha Guud ee Hawlgalka Gobolka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, iyagoo sidoo kale carrabka ku adkeeyay xiriirka iyo walaaltinimada Islaamiga ah ee mideeya dalalka xubnaha ka ah Ururka.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa Danjire Bamba uga mahadceliyay adeeggiisii iyo dadaalladii uu ka geystay Soomaaliya intii uu Muqdisho joogay. Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay kaalinta Hawlgalka Gobolka OIC uu ka qaato taageerada horumarinta Soomaaliya iyo wax ka qabashada mudnaanta arrimaha bani’aadannimo.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa Danjire Bamba u rajeeyay guul iyo horumar uu ka gaaro mas’uuliyadaha uu mustaqbalka qaban doono.




