Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo soo dhaweyn u sameeyay hoggaanka Awdal State

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka XFS DR. Maxamed Xasan Maxamed iyo Xildhibaanada labada gole ee Dowladda Soomaaliya ku metela Maamulka Awdal State ayaa xalay kulan casho ah magaalada Muqdisho ugu sameeyay labada hogaamiye ee Awdal State Dr Cabdisamad Nageeye iyo Cali Baxar.

 

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in labada hogaamiye la isku keeno si ay ugu midoobaan midnimada iyo difaaca deegaankooda, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan cadowga Itoobiya iyo dabadhilifkiisa kuwaa oo doonaya in ay si xoog ah ugu habsadaan badda deegaanka Lughaye oo ka tirsan Gobolka Awdal State.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Maxamed Xasan Maxamed iyo mudanayaasha kale ayaa kula dardaarmay labada masuul in ay hormuud u noqdaan halganka ka jira deegaanka iyo sidoo kale hormarka bulshadooda.

Ugu danbeyntii kulanka ayaa soo dhamaaday iyadoo heshiis iyo is-afgarad laga gaaray kala aragti duwanaantii labada dhinac ee ku aadanayd sida loo wajahayo jiheynta dadka reer Awdal oo iyagu xiligan ay saaran yihiin culeysyo uga imaanaya Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here