Madrid – Spain: Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay gabagabada shirkii caalamiga ahaa ee “Madrid Dialogue on Counterterrorism Cooperation in Africa” oo maalmahan ka socday magaalada Madrid ee dalka Spain.
Shirkan oo heer caalami ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Afrika iyo beesha caalamka ee la xiriira la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga fiditaanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.
Intii uu shirka socday, Ergeyga Gaarka ah ayaa kulamo miro-dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday dowlado iyo hay’ado caalami ah, isagoo la wadaagay khibradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xakameynayo fiditaanka fikradaha xagjirka ah.
Ugu dambeyn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Spain iyo qabanqaabiyeyaasha shirka sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo iskaashiga ka dhaxeeya dalalka dunida.





