Wasiirka Amniga Gudaha oo Kormeeray Garoonka Aadan Cadde, Shirna Dhexmaray Hay’adaha Garoonka

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kormeer ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, isagoo guddoomiyay shirkii shanaad ee lagu xoojinayay amniga iyo wada-shaqeynta hay’adaha ka hawlgala garoonka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray isku-duwidda hawlaha hay’adaha, hagaajinta adeegyada rakaabka, iyo dardargelinta qorshaha banneynta, rarida, ama demolishing-ka lagu samaynayo xarumaha ku dhow xeyndaabka garoonka.

Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyay mas’uuliyiinta iyo hay’adaha ka hawlgala garoonka muhiimadda ay leedahay sugidda amniga, badqabka rakaabka, iyo tayeynta adeegyada, isagoo xusay in Garoonka Aadan Cadde uu yahay wejiga laga arko Soomaaliya iyo marin muhiim u ah dalka.

Kormeerka waxaa Wasiirka ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here