Wasiirka Amniga Gudaha oo Soo Xiray Tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

0

Muqdisho – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Madaxa Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia), Kęstutis Lančinskas, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta.

 

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa lagu baray anshaxa ciidannimo, fulinta howlgallada khatarta badan, maaraynta hubka, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sida gargaarka loo gaarsiiyo ciidamada iyo shacabka waxyeelladu ka soo gaarto goobaha dagaalka.

Tababarkan ayaa ciidamada u diyaarinaya inay noqdaan kuwo isku duuban, ilaaliya nidaamka iyo kala dambeynta, isla markaana si hufan u gutaan waajibaadkooda amni.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa ciidanka qalin-jabiyay ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen, isagoo kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta iyo anshaxa ciidanka, dhowraan sharciga, isla markaana howlahooda u gutaan si daacadnimo iyo masuuliyad leh.No photo description available.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here