Wasiirka amniga oo qabtay shir looga hadlayey horumarinta Booliska

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cabdulllaahi Maxamed Nuur iyo ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga fulinta ee barnaamijka wadajirka ah ee booliiska, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala soctay wasaaradaha Amniga heer federaal iyo heer dowlad goboleed,saraakiil booliis iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Kulanka ayaa waxaa diirrada lagu saaray xaaladda amni ee dalka gaar ahaan horumarinta ciidanka booliiska federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka,waxaana lagu lafa-guray daboolidda baahiyaha hortebinta leh sida: Tababarrada iyo qalabeynta ciidamada, dhismaha iyo dayactirka saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xoojinta awood dhisidda ciidamada booliska labada heer.

kulanka oo ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta iyo horumarinta amniga caasimadda, waxaana intii uu socday kulanka leysku afgartay meelmarinta dhammaan dalabka iyo baahiyaha la soo gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here