Wasiirka Amniga Soomaaliya oo faah faahiyey amarkii uu soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faahfaahiyey warqad uu maalinti shalay ahayd uu soo saaray oo ku saabsaneyn ciidamada NISA ee ka howlgala garoonka caalamiga ee Adan Cadde in boolis lagu baddalo.

Wasiirka oo faah faahinaya amarkaasi cidda uu sida gaarka ah u quseeya ayaa sheegay inuu amarkaasi quseeya oo keli ah ciidamada dharcadda ee ka howlgala gudaha garoonka diyaaradaha (Terminal).

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey inuu quseynin ciidamada gacanta ku haya baraha koorntaroollada ee laga galo garoonka Aadan Cadde.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa faray taliska NISA in ciidanka uu kasoo saaro garoonka, islamarkaana amniga guud ee garoonka inuu ku wareejiyo ciidanka Booliiska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here