DF oo shaacisay in lala xisaabtamayo hay’adaha ajnebiga ah ee deggen dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho uga qayb galay Munaasabad Lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, isaga oo tilmaamay muhiimadda uu la-dagaallanka Musuqmaasuqu u leeyahay dowladnimada iyo soo kabashada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa marka hore ka war-bixiyey dadaalka dheer ee ay Dowladda Federaalka u soo gashay la dagaallanka musuqmaasuqa, oo weli dhibaato xoogan ku haya Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay kaalinta uga aaddan juhdi weyn ku bixin-doonto la xisaabtanka hay’adaha ajnebiga ah ee deggen dalka, kuwaas oo ku kaca musuqmaasuqa iyo falalka hareer marsan shuruucda hufnaanta ee dalka iyo kuwa caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here