Wasiirka arrimaha dibadda oo wada-hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Shiinaha

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadanimada, horumarinta, ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee kala dhexeeya Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here