Guddoomiye Cumar Filish oo ka hadlay amniga magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ka hadlayey munaasabad xalay loogu mahadcelinayey ciidamada Booliska ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay fuliyeen qorshihii loo dajiyey amniga, isaga oo tilmaamay in ay doorashada si wanaagsan uga qabsoontay caasimadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markasta Al-Shabaab ay qorsheyneysay inay weeraro ka fuliso goobaha loo diyaariyey doorashada balse laga hortegay, sida uu hadalka u dhigay.

Duqa Muqdisho ayaa boggaadiyey ciidamada Booliska ee loo xilsaaray sugida amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee la shaqeeyey inta ay socdeen doorashooyinka.

Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi iyo kuwa Banaadiriga oo qayb ka ah doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here