Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Madaxweynaha JFS ku Matelay Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika

0

Moscow, Ruushka – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qaybgalay furitaanka Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, isaga oo halkaas ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Madaxda Afrika iyo Ruushka ayaa shirka uga arrinsanaya jihada iskaashiga labada dhinac ee sannadaha soo socda, iyagoo diiradda saaraya fursadaha lagu xoojin karo xiriirka iyo wada-shaqeynta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqaysa in iskaashiga labada dhinac lagu saleeyo arrimo mudnaan u leh dalka, gaar ahaan amniga badda, maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah, tamarta iyo horumarinta xirfadaha. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ee lagu ballaarinayo iskaashiyada caalamiga ah.

Soomaaliya oo leh xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, isla markaana xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa taageeraysa ajande Afrika oo diiradda saaraya natiijooyin la taaban karo iyo iskaashi wax-ku-ool ah.May be an image of lighting and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here