Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Kormeeray Shirkad Kalluumeysi oo Maalgashi ku Sameysay Khayraadka Badda Soomaaliya

0

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay shirkadda Marina Seafood iyo doonteeda Maanya Mooya, oo ka shaqeysa kalluumeysiga khayraadka badda Soomaaliya, xilli lagu guda jiro Toddobaadka Kalluumeysiga Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, oo uu wehliyey Wasiirka Kalluumeysiga XFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyey maareeye-ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, Dr. Cali Xaaji iyo Eng. Ismaaciil Aw Muuse.

Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku sameeyey doonta Maanya Mooya oo ku soo xiratay dekedda Muqdisho, wuxuuna bogaadiyey shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday maalgashiga iyo dhoofinta khayraadka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay inay ka go’an tahay dhiirrigelinta iyo fududeynta ganacsiga, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo ganacsatada wax dhoofisa, si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha dalka.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here