Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo qaabilay wafdi caalami ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan xarunta ECES (European Centre for Electoral Support).

 

Mas’uuliyiintan oo ay ka mid ahaayeen; Fabio Bargiacchi oo ah aasaasaha iyo madaxa xarunta, kuxigeenkiisa Filiberto Ceriani Segrebondi iyo Julia Onnasch ayaa ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi u sharaxay howlaha doorashada la xiriira ee ay xaruntooda ka qabatay dalal badan oo dunida ah, iyaga intaa raaciyay in ay daneynayaan doorashada Soomaaliya ee xisbiyada badan, oo leh heerarka kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa dulmar guud ku sameeyay qorshaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka goleyaasha deegaanka, doorashada heer dowlad goboleed iyo midda heer federaal iyo howlaha ay wadaan hey’adaha kala duwan ee federaalka ah ee lagu gaari lahaa.

Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen hey’adda IIDA ayaa lagu falanqeeyay doorashada iyo arrimaha la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here