Laascaanood – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddiga Isimada ah ee ka yimid Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo safar nabadeed ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo.
Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo niyadda wanaagsan ee Guddiga Isimada, kuwaas oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Wiilwaal, una yimid SSC si ay uga qeyb qaataan dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta ka socda gobolka.
Kulanka cashada ayaa ahaa mid is-afgarad iyo wada-tashi ku dhisan, waxaana sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah isimada SSC oo ay ka mid yihiin Garaad C/risaaq Garaad Soofe, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer gobol ah.
Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-hadalka iyo iskaashiga dhexmara bulshada deegaanka iyo madaxda dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in dadaallada noocan oo kale ah ay horseedi karaan xasillooni waarta iyo horumar.
Kulankan ayaa qeyb ka ah socdaal rasmi ah oo Wasiir Cali Xoosh uu ku joogo magaalada Laascaanood, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu kulamo kale la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.









