Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo la kulmay ganacsatada beeraleyda, kana hadlay suuqyo cusub

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa kulan la yeeshay ganacsatada beeraleyda Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta wax-soo-saarka beeraha, helitaanka suuqyo cusub iyo xoojinta fursadaha ganacsi ee wax-soo-saarka gudaha dalka.

 

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay fursadaha ka dhalan kara suuq cusub oo Dowladda Saldanadda Cumaan ay dhawaan qorsheyneyso inay furto, kaas oo ganacsatada Soomaaliyeed fursad u siin doona inay ku soo bandhigaan wax-soo-saarka gudaha dalka.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo jeediyay in la sameeyo guddi iskaashi oo ka kooban Wasaaradda Beeraha iyo ganacsatada beeraleyda, kaas oo qaabilsanaan doona suuq-geynta iyo iibinta wax-soo-saarka beeraha.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka ka dhexeeya wax-soo-saarayaasha iyo suuqyada, isla markaana fududeyso helitaanka suuqyo joogto ah oo lagu iibiyo wax-soo-saarka beeraha Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka suuqyo lagu iibiyo wax-soo-saarka beeraha, isaga oo xusay in dalab suuq oo joogto ahi uu dhiirrigelin karo beeraleyda, kordhin karo wax-soo-saarka gudaha, isla markaana abuuri karo fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur cusub.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha, lagu xoojinayo iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, laguna ballaarinayo suuq-geynta wax-soo-saarka Soomaaliyeed, si loo gaaro isku-filnaansho cunto iyo koboc dhaqaale.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here