Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qeybgalay xil-wareejinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, isaga oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda, Cabdiqaadir Cumar Macallin, iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda, Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, oo ahaa kusimaha wasiirka.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in laga filayo mas’uuliyiinta xilka la kala wareegay inay sii ambaqaadaan dadaallada lagu horumarinayo waajibaadka wasaaradda, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Wuxuu sidoo kale xusay in qorshaha istaraatiijiyadeed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qeyb weyn ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo maamulka iyo adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta waaxda dekedaha iyo gaadiidka badda, si loo gaaro horumar waara oo waafaqsan danaha iyo mudnaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here