Wasiirka cadaalada oo kulan la yeeshay guddiga la dagaalanka Musuqa

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlaayey qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dardar gelinta howlaha iyo la dagaalanka musuqa .

Dhinacyadaasi,Waxa ay ka hadleen,isla markaana ay  gorfeeyeen sharciyada u baahan dhaqan gelinta iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqa,

kulanka waxa uu kusoo idlaadey jawi is-af garad,waxaana la isla gartay in lala dagaallamo musuqa ragaadiyey horumarka Dalka,iyadoo sidoo kale hoosta laga xariiqay in si wadajir ah Qaranka Soomaaliyeed loogu matalo kulamada heshiisyada caalamiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here