Wasiirka Cadaaladda oo la Kulmay Guddoomiyaha Hay’adda La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kuwait

0

Kuwait – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Dowladda Kuwait, Marwo Rana Al-Fares.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait, is-dhaafsiga khibradaha iyo habraacyada la xiriira ka-hortagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, dhisidda awoodda hay’adaha iyo kor u qaadidda hufnaanta iyo isla-xisaabtanka dowladda.

Marwo Rana Al-Fares ayaa soo jeedisay in labada dowladood ay xoojiyaan khibrad-wadaagga iyo is-dhaafsiga aqoonta, si looga faa’iidaysto waayo-aragnimada iyo habraacyada wax-ku-oolka ah ee la xiriira la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah, tababarro iyo dhisidda awoodda hay’adaha, si loo xoojiyo dadaallada ka-hortagga musuqmaasuqa iyo horumarinta hufnaanta hay’adaha dowladda.May be an image of daisMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here