SoDMA oo Adkaysay Diyaar-garowga El Niño iyo Fatahaadaha

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), isagoo xoogga saaray muhiimadda diyaar-garowga iyo tallaabooyinka hore ee looga hortagayo saameynta El Niño iyo fatahaadaha.

 

Guddoomiyuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aannada la xiriira diyaar-garowga iyo ka-hortagga musiibooyinka lagu saleeyo xogta saadaasha, xaaladda webiyada Jubba iyo Shabeelle, goobaha ay ku nool yihiin bulshooyinka nugul iyo casharradii laga bartay fatahaadihii hore, gaar ahaan El Niño-kii 1997–1998 iyo 2003.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-dubbaridka dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadannimada, si loo xoojiyo taageerada loona gaarsiiyo meelaha ay khatartu ugu badan tahay.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha daad-gureynta, hoyga, caafimaadka, ilaalinta iyo taageerada dhaqaale, iyadoo mudnaanta la siinayo bulshada ugu nugul ee halista ugu badan ugu jira saameynta fatahaadaha iyo musiibooyinka la xiriira El Niño.May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here