Wasiirka Cadaaladda XFS oo la kulmay wafdi ka socday xafiiska UNSOM

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji oo ay ku wehliyaan la-talayaasha iyo agaasimayaasha Wasaaradda ayaa Wasaaradda ku soo dhaweeyey wafdi ka socda xafiiska UNSOM iyo Qiimeeyeyaasha madax bannan ee arimaha xuquuqda aadanaha oo ka socday UN ka. si ay uga gun garaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Wasaaraddka ayaa siiyey warbixin dhameystiran taas oo ku saabsan xeerarka xuquuqda aadanaha iyo horumarada laga sameeyey sharciyada quseeya xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Cadaaladda wuxuu caddeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, ayna u hoggaansan tahay sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah, la shaqeyn doonto cid walba oo diyaar u ah inay sare u qaaddo xaqiijinta xuquuqda aadanaha,isagoo sidoo kale uga mahadceliyey booqashadooda ay ugu kuur gelayeen xaaladda Xuquuqda aadanaha Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here