Wasiirka Deegaanka Soomaaliya oo ka Qaybgalaya Shirweynaha COP12 ee Nairobi Convention

0

Daaru-Salaam – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Soomaaliya uga qaybgalaya Shirweynaha 12-aad ee dhinacyada Heshiiska Nairobi Convention (COP12), kaas oo ka socda magaalada Daaru-Salaam ee dalka Tanzania, intii u dhexeysay 6-da ilaa 9-ka Oktoobar 2026.

 

Shirweynahan oo ah madasha ugu sarreysa ee go’aan-qaadashada Heshiiska Nairobi Convention ayaa diiradda lagu saarayaa ilaalinta, maareynta iyo horumarinta deegaanka badda iyo xeebaha ee gobolka galbeedka Badweynta Hindiya.

Sidoo kale, waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga dalalka gobolka, ilaalinta khayraadka badda iyo xeebaha, wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac waxaa ka mid ah agaasimayaal, khubaro iyo sharci-yaqaanno ka socda hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh deegaanka, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa diiradda saaraya xoojinta doorka dalka ee iskaashiga gobolka, ilaalinta deegaanka iyo khayraadka badda iyo xeebaha, iyo horumarinta siyaasadaha lagu taageerayo dhaqaalaha buluugga ah.

Sidoo kale, shirku wuxuu fursad u siinayaa Soomaaliya inay qayb ka noqoto dadaallada gobolka ee lagu xoojinayo adkeysiga bulshada iyo deegaanka, gaar ahaan wax ka qabashada caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Heshiiska Nairobi Convention ayaa ah hannaan iskaashi oo ay dalalka gobolka galbeedka Badweynta Hindiya uga wada shaqeeyaan ilaalinta iyo maaraynta deegaanka badda iyo xeebaha, si loo dhowro khayraadka dabiiciga ah loona taageero horumar waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here