Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo Booqatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa booqasho shaqo ku tagtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada hay’adood ee dhinacyada cilmi-baarista, waxbarashada iyo horumarinta xuquuqul insaanka.

 

Guddoomiyaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinayey Komishener Axmed Sheekh Xamsa, Komishener Farxaan Maxamed Jimcaale iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga. Waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka iyo xarumaha cilmi-baarista ee Jaamacadda.

Masuuliyiinta soo dhaweeyey wafdiga waxaa ka mid ahaa Dr. Cali Cawil Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka, Dr. Hassan Ga’al, Hormuudka Kulliyadda Daraasaadka Sare iyo Cilmi-baarista, Said Osman Bashir, Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Tahriibka iyo Sharciga (MILES), iyo Kaltum Xirsi Dhiblawe, Agaasimaha Xarunta Hal-abuurka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Intii uu kulanku socday, madaxda Jaamacaddu waxay wafdiga warbixin ka siiyeen waxqabadka, horumarka iyo caqabadaha horyaalla Jaamacadda. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga cilmi-baarista xuquuqul insaanka, wacyigelinta bulshada, awood-siinta haweenka, ilaalinta xuquuqda dadka nugul iyo horumarinta aqoonta sharciga.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray fursadaha wada-shaqayneed ee Guddiga iyo Xarunta Cilmi-baarista Tahriibka iyo Sharciga (MILES) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Iskaashiga la qorsheynayo ayaa la xiriira cilmi-baarista sharciga, tahriibka iyo socdaalka, xuquuqda barakacayaasha iyo dadka nugul, helitaanka caddaaladda, diyaarinta daraasado iyo talooyin sharciyeed, iyo horumarinta siyaasadaha lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka.

Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa adkaysay doorka muhiimka ah ee Jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta, cilmi-baarista iyo fahamka xuquuqul insaanka, gaar ahaan dhallinyarada.

Waxay sidoo kale tilmaantay muhiimadda ay leedahay in aqoonta iyo cilmi-baarista Jaamacadda looga faa’iidaysto wax ka qabashada caqabadaha xuquuqul insaanka ee dalka ka jira, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha waxbarashada iyo kuwa u xilsaaran ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii loo dhisi lahaa iskaashi joogto ah oo lagu hirgeliyo barnaamijyo wadajir ah oo ku saabsan cilmi-baarista, tababarrada, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here