Wasiirka Deegaanka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Agaasimaha Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD

0

Antalya, Turkiga – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Xarunta Saadaasha iyo Adeegsiga Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD, Dr. Cabdi Fider Guriye.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, horumarinta adeegyada saadaasha cimilada iyo nidaamyada digniinaha hore, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha farsamo, iyo sidii loo heli lahaa maalgelin lagu taageerayo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga farsamo, lana dardargeliyo dadaallada la-qabsiga isbeddelka cimilada, si Soomaaliya ay u yeelato awood wanaagsan oo ay ku saadaaliso khataraha cimilada, ugana sii diyaar garowdo saameyntooda.

Wadahadallada ayaa si gaar ah u taabtay baahida loo qabo horumarinta nidaamyada digniinaha hore, kuwaas oo muhiim u ah in bulshada iyo hay’adaha dowladda ay helaan xog waqtiyeysan oo ku saabsan khataraha ka dhalan kara xaaladaha cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here