Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay mas’uul ka tirsan UNESCWA si looga wada shaqeeyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada

0

Antalya, Turkiga – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Ms. Carol Chouchani Cherfane, Agaasimaha Xarunta Carabta ee Siyaasadda Isbeddelka Cimilada, ahna Hoggaamiyaha Kooxda Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ah ee UNESCWA.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan horumarinta nidaamyada digniinaha hore, wadaagista xogaha la xiriira saadaasha iyo isbeddelka cimilada, iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Hay’adda SoDMA.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo diyaarin lahaa qorshe mideysan oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee ka hortagga iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee dalka.

Waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka xogaha cimilada oo sax ah iyo nidaamyo digniin hore oo wax ku ool ah, kuwaas oo bulshada iyo hay’adaha dowladda ka caawin kara inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan khataraha dabiiciga ah, isla markaana yareeyaan khasaaraha ka dhasha musiibooyinka.May be an image of one or more people, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here