Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday Taliska Qeybta 21-aad ee Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Dhuusamareeb.

 

Taliyaha Qeybta 21-aad, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Daahir, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Taliska, howlaha ciidanka iyo shaqooyinka ay u hayaan qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 21-aad kula dardaarmay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, ilaalinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo inay si dhow uga shaqeeyaan xoojinta amniga iyo xasilloonida dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada ku booriyay inay ilaaliyaan anshaxa, midnimada iyo wadajirka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay mar walba u diyaar garoobaan gudashada waajibaadka qaran.

Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qeyb ka ah kormeerka iyo qiimeynta howlaha Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here