Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, Danjire Suleymaan Dedefo Woshe, oo booqasho sagootin ah ku yimid Muqdisho, taas oo ku aaddanayd soo gabagabeynta muddadii uu xilka Safiirnimo ka hayay Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku ammaanay Danjire Suleymaan dadaalkii iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya. Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka deris-wanaagga, nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo sii wadidda iskaashiga labada dal ee Geeska Afrika.





