Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo La Kulmay Carruurta Agoonta

0

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan xogwaraysi iyo dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah carruurta agoonta ah ee ay ka tageen askartii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku dhimatay difaaca dalka.

 

Mas’uuliyiinta ayaa carruurta u ballanqaaday in si joogto ah looga warqabi doono xaaladdooda, isla markaana la siin doono daryeel iyo taageero ku habboon.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayaan walaac iyo cabashooyin la xiriira dhimista taageerada dhaqaale ee la siiyo qoysaska askarta ku dhimatay dagaalka, ciidamada ku naafoobay howlgallada iyo howlgabka ciidanka. Qoysas ay arrintani saameysay ayaa sheegay in lacagihii taageerada ahaa la dhimay, iyadoo aan la siin faahfaahin ku filan oo ku saabsan sababta isbeddelkaas.

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka si ay uga jawaabaan wararka ku saabsan dhimista gunnooyinka ciidamada howlgabka ah, kuwa naafada noqday iyo qoysaska askarta ku dhimatay dagaalka, iyagoo dalbaday in la caddeeyo saldhigga sharci ee go’aanka.May be an image of child and smilingMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here