SoDMA oo Kismaayo Ku Wareejisay 10 Matoor oo Loogu Talo-galay Ka Hortagga Fatahaadaha

0

Kismaayo – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka Jubbaland, ayaa Maamulka Magaalada Kismaayo ku wareejisay 10 matoor oo loogu talagalay in biyaha looga saaro magaalooyinka iyo goobaha ay saameeyaan roobabka xooggan iyo fatahaadaha El Niño.

 

Matoorradan ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo biyaha fariista goobaha ay roobabka iyo fatahaaduhu saameeyaan, si loo dhimo khasaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara xaaladahaasi, gaar ahaan kuwa soo gaari kara bulshada deegaanka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga hore iyo tallaabada hore, iyadoo la doonayo in si degdeg ah looga jawaabo khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan iyo fatahaadaha la filayo.

SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ayaa sheegay in diyaar-garowga iyo helitaanka agabka gurmadka ay muhiim u yihiin yareynta saameynta fatahaadaha iyo ilaalinta bulshada ku nool goobaha nugul.May be an image of water heater and textMay be an image of water heater

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here