Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalay Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo muddo laba maalmood ah ka soconaya magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay hannaan amni oo ay Soomaalidu hoggaamiso, si hufanna loo maamulo, isla markaana la jaanqaadaya awoodda dhaqaale ee dalka, leh isla-xisaabtan iyo awood uu ku sugi karo amniga iyo badbaadada shacabka.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta kormeerka iyo isla-xisaabtanka, hagaajinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, adkeynta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, iyo helidda maalgelin la isku halleyn karo, si go’aannada amniga loogu beddelo waxqabad muuqda oo la cabbiri karo.

“Hay’adaha amnigu waxay leeyihiin waajibaadyo kala duwan, balse dhammaantood waxay u adeegayaan hal yool qaran oo ah sugidda amniga Soomaaliya iyo ilaalinta shacabkeeda,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada iyo burcad-badeedda halista ku ah amniga dalka iyo guud ahaan gobolka, isagoo xusay naf-hurnimada ay ciidamadu ku bixiyaan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka.

Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Shirweynuhu muhiim u yahay dejinta qorshe amni oo waajahaya xaaladda dhabta ah ee dalka, kana jawaabaya baahiyaha amni ee Soomaaliya iyo baaqyada caalamka.May be an image of wedding and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here