Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv.Xasan Xuseen Xaaji oo ay Wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Taliska Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii ciidanka iyo Midowga Yurub ay isaga kaashan lahaayeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shanaab.

Sidoo kal waxaa madasha laga sheegay in muhiim ay tahay in Midowga Yurub ay laba jibaaraan Taageeradda ay siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la wareegidda Amniga Guud ee Dalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here