Ankara, Turkiga — Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Yuusuf Ismaaciil, ayaa maanta kulan muhiim ah magaalada Ankara kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Dowladda Turkiga, Abdulkadir Uraloglu.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo la-taliyeyaal ka socday labada dhinac, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka, guriyeynta casriga ah, qorsheynta magaalooyinka iyo hubinta tayada dhismayaasha.
Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida Dowladda Turkigu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.
Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya, Mudane Ayuub Yuusuf Ismaaciil, ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay khibradda iyo aqoonta horumarsan ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada injineernimada iyo maamulka mashaariicda waaweyn.
Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya ay daneyneyso in injineerada iyo shaqaalaha wasaaradda ay ka faa’iideystaan tababarrada iyo aqoonta ay leeyihiin khubarada Turkiga, si ay door muuqda uga qaataan dib-u-dhiska dalka.
Kulanka kadib, Wasiir Ayuub ayaa booqashooyin kala duwan ku tegay xarumo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, halkaas oo uu si rasmi ah ugu qaabilay Agaasimaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Turkiga, isagoo warbixin ka siiyay howlaha ay hay’addu qabato iyo mashaariicda waaweyn ee ay gacanta ku heyso.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyay waddooyin lagu hirgeliyay nidaamka PPP (Public Private Partnership), kaas oo shirkado gaar loo leeyahay ay ku maalgelinayaan dhismaha waddooyinka, halka khidmadaha isticmaalka waddooyinka lagu qaado nidaam casri ah oo elektaroonik ah.
Intii uu booqashada ku jiray, Wasiirka ayaa sidoo kale tegay xarunta dayactirka gaadiidka ee Wasaaradda, halkaas oo lagu siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan hababka casriga ah ee loo maamulo iyo dayactirka gaadiidka dowladda.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya horumarinta wada shaqeynta labada wasaaradood iyo dardargelinta mashaariicda iskaashiga ah ee mustaqbalka.




