Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madax ka tirsan dowladda UK

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,ย Kate Foster iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi aha ayaa waxaa looga hadlay ย sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Bayle oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyey kulankan, wuxuuna u mahadceliyey dowladda UK oo garab istaag u muujisay dowladda federaalka.

โ€œWaxa aan kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Dowladda UK oo kala ah #Kate_Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas #Philip_Parham. Waxa aan ka wadahadlanay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliyaโ€ ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here