Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kulan la Yeeshay Safiirka Norway

0

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles, Siv Cathrine Moe, iyo xubno sare oo ka socday safaaradda.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dardargelinta dib-u-habaynta muhiimka ah ee hannaanka maaliyadda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga horumarineed ee Soomaaliya iyo Norway, iyadoo diiradda lagu saaray taageeridda kobac dhaqaale oo waara iyo dadaallada horumarineed ee dalka.

Kulanka ayaa qeyb ka ah wada-shaqeynta joogtada ah ee Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan arrimaha la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta nidaamyada maaliyadeed.May be an image of one or more people and textMay be an image of studying

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here