Arusha, Tanzania – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Guddoonnada Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonnada Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, kaas oo lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada, horumarinta diblomaasiyadda baarlamaaniga ah, is-weydaarsiga khibradaha iyo sidii is-dhexgalka Bariga Afrika uu shacabka gobolka ugu horseedi lahaa faa’iidooyin la taaban karo.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xubnaha kale ee kulanka ka qeybgalay la wadaagay horumarka uu sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu si gaar ah uga hadlay dhinacyada dowlad-dhiska, dhammaystirka iyo ansixinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, amniga, sarreynta sharciga, maamulka maaliyadda guud iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale sheegay in Golaha Shacabka uu ansixiyay in ka badan 56 sharci iyo 18 qaraar.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in himilada Golaha Shacabka ay tahay inuu si buuxda u guto waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, gaar ahaan sharci-dejinta iyo korjoogteynta, u adeegidda danaha shacabka Soomaaliyeed iyo ka qeybqaadashada xoojinta iskaashiga iyo is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa carrabka ku adkeeyay in mustaqbalka Bulshada Bariga Afrika uu ku tiirsan yahay iskaashi xooggan, hay’ado adkaysi leh iyo baarlamaanno si wax-ku-ool ah uga shaqeeya danaha iyo himilooyinka shucuubtooda.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay kaalinteeda si buuxda uga qaadato dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo is-dhexgalka gobolka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta Kulanka 22-aad ee Guddoonnada Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho dhammaadka bisha Janaayo 2027.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Muqdisho lagu soo dhaweeyo madaxda iyo guddoonnada baarlamaannada dalalka Bulshada Bariga Afrika, si loo sii xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu dhisayo Bulsho Bariga Afrika ah oo mideysan, barwaaqo ah, kuna naaloota nabad waarta.





