Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Mudane Hideki Matsunaga, oo ah Maamulaha cusub ee Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, kaas oo dhawaan loo magacaabay xilkaasi.
Kulankan ayaa ahaa mid soo dhaweyn iyo kala warqaadasho ah, waxaana intii uu socday diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo qiimeynta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka ka wado gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay qorshayaasha maamulaha cusub iyo sidii loo dardar-gelin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada horumarinta iyo xasilinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo qiimeeyo mashaariicda socda si loo xaqiijiyo horumar waara oo la taaban karo.
Maamulaha cusub ee Bangiga Adduunka Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga, ayaa dhankiisa balanqaaday in uu xooga saari doono dardar-gelinta howlaha horumarineed iyo in uu si dhow ula shaqeeyo dowladda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee dalka.
Kulankan ayaa calaamad u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo wada shaqeyn joogto ah oo ku saleysan hufnaan iyo isfahan.




