Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo kormeertay xafiiska OHCHR ee Muqdisho

0

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay Xafiiska Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (OHCHR), oo dhowaan laga furay magaalada Muqdisho.

 

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd xaqiijinta dhaqan-gelinta Qorshaha Kala-guurka Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo hubinta in hawlaha loo qorsheeyay loo fulinayo sidii loogu talagalay.

Intii uu kormeerku socday, wasiirka iyo khubarada wasaaradda ayaa hawlwadeennada OHCHR ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan halka uu marayo fulinta qorshaha kala-guurka, hannaanka shaqo ee xafiiska iyo maareynta hawlaha mudnaanta u leh horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa adkeysay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlaha mudnaanta leh iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, si loo xaqiijiyo natiijooyin wax-ku-ool ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan gelisay sidii xafiiska OHCHR uu dib uga hawlgeli lahaa dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Furitaanka xafiiskan ayaa ka tarjumaya horumarka ay Soomaaliya ka sameysay arrimaha xuquuqda aadanaha, iyadoo laga gudbay xafiisyadii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay, dibna dalka looga hawlgeliyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dardargelinta Qorshaha Kala-guurka Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, hirgelinta mudnaanta qaranka iyo xoojinta hay’adaha dalka u qaabilsan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Wasaaraddu waxay sidoo kale adkeysay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo lala yeesho OHCHR iyo bahwadaagta kale, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay si buuxda u hoggaamiso dadaallada lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqda aadanaha ee dalka.May be an image of one or more people, table, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here