Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta tayada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa si gaar ah Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee uu siiyo tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Darwiishta Booliska, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugidda amniga dalka.
Dhankiisa, safiirka Midowga Yurub ayaa bogaadiyay wada-shaqeynta kala dhexeysa Wasaaradda Amniga Gudaha, isaga oo muujiyay sida Midowga Yurub uga go’an tahay sii wadidda taageerada lagu horumarinayo tababarrada, xirfadaha iyo tayada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Midowga Yurub, gaar ahaan barnaamijka EUCAP Somalia, ayaa taageero siiya horumarinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya, oo ay ku jiraan tayeynta iyo tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.




