Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar, oo ah hooyada dhashay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf, ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Soomaaliya.
Wasiiradda ayaa ku ammaantay Hooyo Safiyo dadaalka, dulqaadka iyo adkeysiga ay muujisay muddadii ay garab taagnayd wiilkeeda, iyadoo tilmaantay inay tusaale wanaagsan u tahay doorka iyo halganka hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku aaddan waxbarashada iyo mustaqbalka ubadkooda.
Wasiiradda Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in Wasaaraddu, iyadoo garowsan doorka muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed, ay Hooyo Safiyo siisay fursad shaqo oo ay ka bilaabayso maanta, si ay uga sii shaqeyso horumarinta nolosheeda iyo waxbarashada carruurteeda.
Tallaabadan ayaa muujineysa muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado dadaalka waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka door weyn ka qaata waxbarashada iyo guusha ubadkooda.
Ugu dambeyn, Wasiiradda ayaa Maxamed Ciise Daahir Yuusuf u rajeysay mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn oo uu ka gaaro waxbarashadiisa, iyadoo hambalyo u dirtay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare.
Waxay carrabka ku adkeysay in guusha ubadku ay inta badan ka dhalato dadaalka, dulqaadka iyo garab istaagga waalidka, gaar ahaan hooyooyinka Soomaaliyeed.




