Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo furay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan shaqaaleysiinta ku saleysan kartida

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa furay aqoon-is-weydaarsi lagu ansixinayo daraasad ku saabsan caqabadaha iyo diidmooyinka la xiriira shaqaaleysiinta ku saleysan kartida ee shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saarayaa falanqaynta caqabadaha hortaagan hirgelinta nidaam shaqaaleysiin ku saleysan aqoonta, xirfadda iyo kartida, iyo sidii loo xoojin lahaa hufnaanta, caddaaladda iyo daahfurnaanta habraacyada shaqaaleysiinta hay’adaha dowladda.

Daraasaddan ayaa muhiim u ah aqoonsiga caqabadaha jira iyo dejinta talooyin wax-ku-ool ah oo gacan ka geysan kara horumarinta maamulka shaqaalaha rayidka, xaqiijinta fursado shaqo oo loo siman yahay iyo tayeynta adeegyada dowladda.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin iyo khubaro ku hawlan maamulka shaqaalaha rayidka, kuwaas oo dib u eegaya natiijooyinka daraasadda, kana qayb qaadanaya ansixinteeda iyo soo jeedinta talooyin lagu horumarinayo nidaamka shaqaaleysiinta ku saleysan kartida.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sii wada dadaallada lagu horumarinayo maamulka shaqaalaha rayidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xoogga saaraysa hufnaanta, caddaaladda iyo in shaqaaleysiintu ku saleysnaato aqoonta, xirfadda iyo kartida qofka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here