MUQDISHO – Waxaa xilka wasiirka Warfaafinta laga qaadey Daa’uud Aweys, isagoo lagu bedelay Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo ah mudane katirsan Gollaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kadib markii uu arkay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla-markaana tixgaliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, arkayna hawlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda, waxa uu soo saaray magacaabistan.
Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, waxaa u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay xil gudasho hufan iyo dadaal.
— DHAMMAAD —.



