Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo gacanta ku haya gal-dacwadeedka Sacdiya Bajaaj

0

MUQDISHO – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in uu gacanta ku hayo gal-dacwadeedka la xiriira Sacdiya Macalin Cali Xasan [Sacdiya Bajaaj], isagoo xusay in baarista kiiskaasi ay marayso heer gabagabo ah.

 

War kooban oo ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in baaritaanka si dardar leh u socdo, isla markaana la filayo in dhowaan la soo afjaro, si tallaabo sharci ah looga qaado arrinta.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in kiiska loo maro habraac sharci oo hufan, iyadoo la ilaalinayo caddaaladda iyo xuquuqda dhammaan dhinacyada ku lugta leh.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here