Wasiirka Warfaafinta Jubaland: “Dowladda Soomaaliya waa in gacanta laga qabtaa” – DAAWO

0

KISMAAYO — Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubaland, Cabdifitaax Mukhtaar, ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u baahantahay in si buuxda loo xakameeyo, isaga oo hadalkiisa ka jeediyay ka hor furitaanka shirka mucaaradka ee ka dhacaya magaalada Kismaayo saacadaha soo socda.

 

Shirka oo ay martigelinayso Jubaland ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo uu kamid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo wakiillo kale oo ka socdo siyaasadda dalka.

Cabdifitaax Mukhtaar ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay tahay in ay la timaado hogaamin cad, isla markaana ay xoojiso mas’uuliyadeeda, isagoo ku baaqay in xal siyaasadeed laga gaaro caqabadaha horyaalla dalka.

Shirka mucaaradka ee Kismaayo ayaa imanaya xilli siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo laga filayo in doodaha iyo go’aannada ka soo baxa ay saameyn ku yeeshaan hanaanka siyaasadda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here