Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

0

Muqdisho  — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daud Aweis Jama, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, George Conway.

 

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah loo dul istaagay arrimaha warbaahinta, wacyigelinta bulshada, gurmadka bani’aadannimada, iyo doorka muhiimka ah ee warbaahintu ku leedahay xaaladaha degdegga ah.

Labada mas’uul ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda farriimaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan xog sax ah, la isku halleyn karo, isla markaana waqtigeeda ku habboon, taasoo ka caawin karta ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah iyo baahiyaha bani’aadannimo.

Wasiirka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in farriimaha muhiimka ah la gaarsiiyo bulshada ku nool miyiga iyo deegaannada fog-fog, si loo kordhiyo xog-helidda loona kobciyo wacyiga bulshada, gaar ahaan kooxaha nugul.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray horumarinta awoodda warbaahinta, tababarrada suxufiyiinta ee ku saabsan tebinta xaaladaha degdegga ah, iyo sidii loo mideyn lahaa loona isugu xiran lahaa mashaariicda wacyigelinta iyo warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.May be an image of suit, dais, newsroom, the Oval Office and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here