Muqdisho, Soomaaliya — Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Agaasimaha Waaxda Dhibaatooyinka ee UNDP, Shoko Noda, intii ay ku guda jirtay booqasho toddobaad socotay oo ay ku timid Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo la waafajinayo mudnaanta ajandayaasha qaran ee Soomaaliya. Qodobada mudnaanta leh waxaa ka mid ah horumarinta dalka, diyaar garowga doorashooyinka, iyo xoojinta ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo.
Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay doorka sii kordhaya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale ku biiristeeda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo muujinaysa kororka saameynta iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee arrimaha gobolka iyo caalamka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda degdegga ah ee wax looga qabanayo xaaladaha barakacayaasha gudaha (IDPs) iyo abaaraha dalka ka jira. Waxaa la isku raacay in la dardargeliyo dadaallada wadajirka ah ee ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo taageero bulshooyinka nugul loona xoojiyo adkeysiga guud ee dalka.



