Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

0

Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Raisedon Zenenga.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada kala duwan, oo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda, dib-u-heshiisiinta, dhaqaalaha, iyo adeegyada arrimaha bulshada.

Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in ay door muhiim ah ka qaadato dib u dhiska iyo dib u soo kabashada dalka.

Dhankiisa, sii-hayaha Wakiilka Qaramada Midoobay, Raisedon Zenenga, ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay sii wadista garab istaagga hawlaha horumarineed iyo kuwa dowlad-dhiska ee ka socda dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah xiriirka joogtada ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada muhiimka u ah horumarka iyo xasiloonida dalka.May be an image of one or more people, newsroom and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here