Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo kulan looga arrinsanayo xaaladda dalka ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho – Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay diblomaasiyiinta caalamka ee ka howlgala dalka.

 

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda XFS, Mudane Xasan Macallin, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaan Cali Cumar Maxamed.

Masuuliyiinta dowladda ayaa wakiillada caalamka uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka, iyagoo si gaar ah u iftiimiyey guulaha laga gaaray ajendeyaasha qaran iyo horumarka laga sameeyey dowlad-dhiska.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay safiirro iyo wakiillo ka kala socday safaaradaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala gudaha dalka.

Sidoo kale, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo uu dhammaaday muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo weli aysan jirin heshiis rasmi ah oo laga gaaray hanaanka doorashooyinka dalka.

Arrintan ayaa dhalisay doodo siyaasadeed oo xooggan, iyadoo mucaaradka – oo ay hoggaaminayaan qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka ay si adag uga horyimaadeen wax-ka-beddellada dastuurka ee ay dowladdu soo jeedisay, kuwaas oo la xiriira kordhinta muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here