Baku, Azerbaijan – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si wadajir ah u daawaday ciyaartii galabta ay ciyaareen xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 15 sano (U-15), kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka FIFA World Cup U-15 ee ka socda dalka Azerbaijan.
Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa dhiirrigeliyay ciyaartoyda da’da yar ee xulka Qaranka Soomaaliya U-15, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo sida ay dalkooda ugu matalayaan tartamada caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiirrigelinaysa ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliyeed, iyadoo taageeraysa horumarinta ciyaaraha iyo kobcinta hibada dhallinyarada, si ay fursad ugu helaan inay kartidooda ku soo bandhigaan tartamada caalamiga ah, dalkoodana ugu matalaan si sharaf leh.




